AMISOM ayaa shaaciyay in saddex ka mida tababaryaal ka socday oo ku sugnaa xerada milatariga garoonkii hore ee magaalada Kismaayo ay maanta ku dhaawacmeen weerarkii is-miidaaminta ahaa ee lagu qaaday oo kooxda Alshabab aya sheegatay.
War lagu qoray barta twitter-ka AMISOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka dhintay ay gaarayaan 9 ka tirsan ciidamada Soomaalida iyadoo lix kalena ay dhaawacmeen ilaa iminka.
AMISOM ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxa ay ku dhinteen laba is-miidaamiyeyaal oo gaariga watay, iyadoo ay baaritaano socdaan isla markaana la qabtay laba qof oo lagu tuhunsan yahay inay lug ku leeyihiin qaraxaasi.
Labada qof ee loo qabtay qaraxa ayay su’aalo weydiinayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Kismaayo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]