AMISOM ayaa shaacisay tiro ka mida saraakiisha Alshabaab ee lagu dilay weeraro ka dhacay Koonfurta Soomaaliya, waxaana war-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM lagu magacaabay saraakiishaasi.
Magacyada saraakiisha Alshabaab ee la dilay waxay kala yihiin:
- C/rashiid Buqdube – Taliyihii AL-shabaab ee Jannaale
- Aadan Baalle – Taliyihii Al-shabaab ee Leego
- Sheekh Maxamed Cali – Taliye ku xigeenka Alshabaab ee Jannaale
- Maxmeed Abriyoow – Guddoomiyaha Maxkamadda Al-shabaab ee Jannaale
- Xasan Cali Dhoore – Madixii Amniyaadka Al-shabaab ee Shabeellaha hoose
- Abuu Islaam – Khabiirka sameynta walxaha qarxa oo u dhashay Yemen
- iyo Sheekh Mansuur oo ahaa madaxa tababarrada ee Al-shabaab oo u dhashay Dalka Kenya.
Taliyaha Qeybta koowaad ee AMISOM Sam Okiding ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu guuleystay isla markaana ay sii wadi doonaan baacsiga Alshabaab.
Goobjooge.com