AMISOM ayaa si la yaab leh uga hadashay dilal la sheegay in ciidamada AMISOM ay ka geysteen magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose, waxayna warar goosgoos ah oo AMISOM ku baahisay barta ay ku leedahay twitter-ka ay ku sheegtay inaysan wax shaqo ah ku lahayn dilalka ka dhacay Marka.
AMISOM waxay sheegtay in maqribnimadii shalay booyad ay leeyihiin lagu weeraray bam laguna dhaawacay hal askari, sidoo kale waxay intaas ku dartay in rasaas ay ka maqleen meel u dhow halka qaraxa ka dhacay kadibna ay ciidamo degdeg ugu direen halkaasi kadibna ay arkeen koox ku baxsaneysa Doon.
AMISOM waxay kaloo sheegtay in goobtaasi markii ay tageen ay ku arkeen meyd lix ruux ah, waxayna ku eedeeyeen in dilka ka dhacay magaalada Marka ay ka danbeyso Alshabaab. AMISOM waxay ku dooday inay ka daashay dacaayadaha ay Alshabaab mar waliba ka faafineyo inay dad shacab ah ku leysay magaalada Marka.
AMISOM oo waxay ku doodeysaa in haddiiba ay dhacaan arrimo noocan oo kale ah ay baaritaan degdeg ku sameyneyso ayna tallaabo ka qaadeyso ciddii ka dambeysay.
Waa markii labaad oo ay beeniso AMISOM inay ku lug leedahay dilka dad rayid ah. Dadka magaalada Marka ayaa iyaguna ka hadlaya in AMISOM ay ka dambeyso wax ka dhacaya Marka. Waxaa halkan ka maqan doorkii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulkii degmada Marka oo kala saari lahaa xaqiiqada waxa dhacay.
Banadir.