Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa soo saaray digniin ku saanbsan kooxda Alshabaab iyadoo sheegay inay kooxda Al-Shabaab ay qorsheynayaan inay isku ekeysiiyaan askarta Midowga Afrika, si ay u fuliyaan weeraro halis ah.
AMISOM waxay ku sheegtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay inay heyso xog muujineysa in dagaalyahanada Al-Shabaab ay damacsan yihiin inay soo xirtaan dareyska ciidamada Midowga Afrika oo ay ku furteen dagaaladii ay hore ugu qaadeen xerooyinkii AMISOM ee ay qabsadeen, ayna falal weeraro iyo dilal ka geystaan qeybo ka mida dowladda Soomaaliya ciidamada Amisom ka taliyaan.
Hadafka ayaa ah sida AMISOM sheegeyso “In la iska horkeeno dadka Soomaalida ah iyo Amisom”. Digniintan oo AMISOM soo saartay maanta ah ayaa lagu sheegay in laga feejignaado xaaladan dhici karta xilli kasta.
Kooxdii Alshabaab ee weerartay Hotelka Saxafi ayaa hore loo sheegay inay xirnaayeen dareyska ciidamada Burundi oo loo maleynayo in laga qaatay weerarkii Alshabaab ku qaadeen Xerada Leego.
Goobjooge.com