Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa tababar u furay saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Magaalada Mqudisho, kaasoo lagu xoojinayo aqoontooda sidii ay warbixinoo uga diyaarin lahaayeen doorashooyinka.
Tababarka oo lagu soo beegay iyadoo bilo dhowr ah ka harsan yihiin doorashada Baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay aakhirka sanadkan ka dhacaan dalka ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay seminaar hal maalin ah oo lagu baranayay asaaska saxaafadda, xaqiijinta wararka, dhexdhexaadnimada iyo saxafinadda wanaagsan ee ku dhisan xirfadda.
Tababarka ayay sheegtay AMISOM inuu qeyb ka yahay taageerada y siineyso dowladda Federaalka Soomaaliya si ay dib ugu dhisto hay’adaheeda.
Cabdullaahi Maxamed Xasan Black oo ah la-taliye qabtay tababarka ayaa sheegay inay ka doodeen doorka saxafiyiinta ku yeelan karaan ololeyaasha siyaasadeed iyo soo tebinta doorashooyinka, isagoo ka dalbaday inay saxafiyiintu noqdaan dhexdhexaad iyo kuwo xaqiiqada u janjeera.
AMISOM ayaa balan qaaday in tababarro noocan oo kale ay qabanqaabin doonto mustaqbalka.
DAAWO SAWIRRO