Monday, July 14, 2025

AMISOM oo ugu danbeyn ogolaatay baaritaan lagu sameeyo dilalkii ka dhacay magaalada Marka

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa ugu danbeyn ogolaatay inay baaritaan ku sameyso eedaha soo noqnoqday ee ku saabsan in ciidamadeeda siiba kuwa Uganda ee ka howgala magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose ay dad rayid ah ku laayeen magaaladaasi.

amisomw

Warsaxaafadeed ay soo saartay AMISOM ayaa lagu sheegay in AMISOM ay howlgallo waaweyn ka fulisay gobolka Sh/hoose oo qeyb ka ahaa howlgalka ka socda, waxaana weeraro uga yimaadeen Alshabaab si xilliyo ay ciidamada AMISOM wadeen gudbinayeen sahay ciidan, ciidamada AMISOM ayaa iska difaacay jawaab haboon ka bixiyay weeraradaasi ayaa lagu yiri waraxaafadeedka AMISOM oo ay ka muuqatay debecsanaan, “AMISOM waxay qof kasta oo shacab ah oo dhintay u qaadaneysaa musiibo weyn, waxayna qaadeysaa si dhab ah u qaadaneysaa wararka sheegaya in shilalkaasi” ayaa lagu caddeeyay warsaxaafadeedka AMISOM.

AMISOM waxay sheegtay in arrimahan soo noqnoqday ay wadahadal kala yeelatay Odayaasha dhaqanka degaankaasi si loo xoojiyo xiriirka labada dhinac. Qaar kamida odayaasha ayay sheegtay inay AMISOM ka codsadeen in ciidamada AMISOM laga saaro goobo  mucayin ah oo ay sheegtay inay muhiim u yihiin jidka isku xira Muqdisho iyo Marka, codsigaasina ay tixgelin buuxda siiyeen arrintaas oo ammaanka Muqdisho iyo Marka dhibaato ku keeni karta.

War-saxaafadeedka AMISOM waxaa kaloo lagu sheegay inay jiraan baaqyo badan oo lagu dalbanayo in baaritaan lagu sameeyo rayidka lagu dilay magaalada Marka, waxaana lagu caddeeyay inay tixgelineyso waxayna shacabka Soomaaliyeed laga codsaday inay taageeraan ciidamada AMISOM, iyadoo ay la shaqeyn doonto AMISOM dowladda Federaalka iyo maamulka K/Galneed sidii xaaladda Ammaanka ee Marka loo xalin lahaa.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON