Thursday, June 26, 2025

AMISOM oo war ka soo saartay dadkii ay ku dileen Buulomareer

AMISOM ayaa sheegtay inay ka xun tahay falkii saaka lagu dilay degaanka Buulomareer oo laba ka mid ay ahaayeen gabar 9 sano jir ah iyo ayeeyadeed oo waayeel ah.

Afhayeenka AMISOM Col Joe Kibet oo ay soo xigtay SONNA ayaa sheegay inay ka xunyihiin dhacdadaasii oo  dhacday inta u dhaxaysa deegaanka Buulo mareer iyo Golweyn oo ciidankooda rasaas ay ku fureen gaari ay la socdeen dad shacab.

Afhayeenka ayaa sheegay inay baarayaan arrnitaasi, wuxuuna ku andacooday in Gaariga la rasaaseeyay ay joojiyeen, isaguna  maqli waayay, kadibna loo qaatay inuu weerar ku yahay, sidaas ayuuna falkaasi ku dhacay.

Falkan oo si weyn looga xumaaday ayaa keenay  in dadka Buulomareer ay bannaanbax caro leh ka dhigaan xarunta AMISOM  degan tahay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON