Ciidamada AMISOM ayaa beeniyay in saldhigoodii degmada Janaale ee Gobolka Sh/hoose ay la wareegeen kooxda Alshabaab kadib weerar xoog leh oo is-miidaamin wata Alshabaab la beegsadeen.
Barta twitter-ka ee AMISOM ayaa lagu sheegay in wararka sheegaya in saldhigii AMISOM ee Janaale ay qabsadeen ay yihiin wax kama jiraan oo saldhigaasi ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada AMISOM, waxayna kaloo intaas ku dareen in hubkii yiilay saldhiga Janaale ay been abuur tahay in Alshabaab la wareegeen sida ay qoreen warbaahinta Soomaalida qaarkood, waxayna AMISOM si kulul u beenisay wararkaasi.
Dagaal qaraar ayaa aroortii saaka ka dhacay Janaale iyadoo khasaare badan ka dhashay halkaasi, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo weerarkaasi ku saabsan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]