Howgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa war ka soo saaray dhacdadii xasuuqa ahayd ee ciidamada Itoobiya ka geysteeen Gobolka Baay, gaar ahaan degaanka Aw-diinle.
Falkan oo lagu dilay ilaa 14 oo rayid ah oo goob qura ku sugnaa, waxayn AMISOM sheegtay inay soo gaareen wararka ku saabsan in Ciidamo AMISOM ka tirsan ku lug yeesheen dhacdo ay dad ku dhinteen Gobolka Baay.
AMISOM waxay barteeda twitter-ka ku sheegtay inay baareyso arrintan ayna ka go’an tahay inay ilaaliso dadka rayidka ah, isla markaana AMISOM ku dhaqanto xeer adag oo Midowga Afrika u dhigay oo ku saabsan badbaadinta shacabka iyo yareynta qasaaraha dadka rayidka ah.
#AMISOM takes serious note of these reports & has commenced investigations. The findings will be made public in cooperation with the #FGS
— AMISOM (@amisomsomalia) July 18, 2016
AMISOM ayaa falal hore oo dad rayid ah lagu laayay sheegtay inay baareyso iyadoo waxba u qaban dadkii ay laayeen ciidamada hoos yimaada.
Goobjooge.com