Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya ayaa beeniyay inuu jiro weerar ay sheegteen kooxda Daacish inay ku qaadeen ciidamadooda oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Joseph Kibet ayaa sheegay inuu jiray isku day qarax ahaa weerar oo ka dhacay maanta agagaarka KM-13, halka loo yaqaan Carbiska, balse aanu jirin wax qarax kolonyada ciidamada AMISOM lala beegsaday, islamarkaana aysan wax khasaare ah oo soo gaaray gaadiidka iyo askarta AMISOM.
Afhayeenka AMISOM wax uu sheegay inay arkeen sheegashada ISIS balse ay aaminsan yihiin in sheegashadu been tahay. ISIS ayaa markii ugu horeysay sheegatay weerar ay ciidamo taabacsan ka geysteen Soomaaliya.
AMISOM ayaa sheegeysa in dayaacad raqiis ah ay tahay warka kasoo baxay Daacish
#AMISOM has noted false claims of an alleged attack on its convoy by ISIS. No AMISOM convoy or personnel has been hit by any elements 1/3
— AMISOM (@amisomsomalia) April 25, 2016
Goobjooge.com