Sunday, July 13, 2025

Amnigu Qori ka Qara Weyn [Yusuf Garaad]

yusuf-garaadWaa habeen. Waa Hargeysa. Waa bilihii ugu dambeeyay sannadka 1990. Annaga oo dhowr ah oo howl samafal u soconna ayaan wadannaa gaari 4×4.

Mugdiga iyo burburka waddada waxaa uga sii daray roob da’ay oo xareeddiisu ay dhulka jiifto god kasta oo laamiga ka dhex qodanna la soo sintay waddada inteeda kale.

Rasaas goos goos ah ayaa dhaceysa. Waxaa dawanka rasaasta sii xoojiyay oo jabaq daba dhigaya rayska iyo hawada cufan ee roobka iyo qabowgu ay sababeen. Amni darradu waa mid baahsan. Cabdisa lagama sheekeyn karo. Wax kasta oo loo dhinto ayaad filan kartaa mar kasta.

Guri ku yaalla meel ka dambeysa meesha ay hadda Madaxtooyada Somaliland tahay ayaan ka soo baxnay. Meel aan sidaa uga fogeyn ayaan u soconnaa arrin habeennimadaas nagu kalliftay darteed.

Waddada aan ku soconnaa waa mid jajaban. Marmar ayaad saqafkaama meel kale oo aadan dooneyn madaxa ama garabka ku dhufaneysaa.

Anigu waxaan ka welwelsan ahay in meesha aan u soconno aan nabad ku tegi doonno, maaddaama aan nahay gaariga keliya ee waddada saaran inta isheennu qaban kartay inta aan soconnay.

Nin u dhashay dal Yurub ah oo i garab fadhiya ayaa intaa su’aalo i weydiinaya aan u qaatay in uu cabsida isku moogeeysiinayo. Laakiin anigu sheeko diyaar uma ahi. Jawaabaha qaar aan siinayo waa kuwo u dhigma in aan leeyahay saaxiib hadalka iga daa.

Markii dambe ayuu i weydiiyay su’aal iga yaabisay – Maxaad waddooyinka isaga dhisi weydeen?

Su’aashani ma ahan mid aan filayay. Waan garan waayay wax aan ka iraa iyo meel aan jawaabta uga billaabo.

Si aan isu dhaafiyo ayaan ku iri rasaasta korkeenna ka dhacaysa sow ma maqashid? Xilli dagaal ayaa lagu jiraa ee xilli dhismo ma ahan.

Wuxuu igu yiri waddooyin xumada lagu rafaadayo ayaa ka mid ah waxa idiinkugu wacan dib u dhaca iyo weliba xanaaqa iyo colaadda. Waxaas oo dhan ayaana dagaalka uga sii daraya.

Maanta 2016

Ma aqaan sababta laakiin mar kasta hadalkii ninkaas, oo habeenkaas macna darrada iigu muuqday, wuu igu soo maaxdaa. Ma ahan in aan ka hadlayo waddada oo keliya, laakiin amni waa mid aad uga ballaaran. Askariga iyo qorigiisu aad ayay muhiim ugu yihiin amniga. Laakiin keligood howsha kuma filna.

Gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo inta badan cakirnaa tan iyo berigaas. Kuwaas oo muwaaddinnimo ka ay inta badan shaqadeydu ahayd la socodkooda, baaritaankooda, falanqeyntooda iyo odorskooda.

Dalkeenna mowduucii aad ka hadal maagto in uu waxqabad u baahan yahay ha ahaado fursad u abuurista shaqo ee dhallinyarada, xaqdhowrka xuquuqda aadanaha oo maxaabbiistu ay ku jirto, kobcinta dhaqaalaha, xeer u dejinta saxaafadda, ganacsiga iyo waxbarashada, horumarinta fanka, dhaqanka iyo Sportiga, iyo dhismaha waddooyinka waxaad arkeysaa dad waxaas u arka faakiheysi iyo qof kibray hadalkiis.

Waxay soo hadal qaadayaan arrimo kale oo wax ka qabasho deg deg ah u baahan. Amniga, tahriibka, qaxootiga, barakaca iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

Waxaa naga maqan in aan dadka oo dhami isku hal dhinac culeyska saari doonin isla markaana aanuu isku xirfad iyo aqoon ahayn wakhtiguna aanuu na sugeyn. Markaa ay habboon tahay in howluhu ay isku dhinac socdaan.

Aragtideyda, tayaynta iyo baahinta waxbarashada, shaqaaleynta dhallinyarada, daryeelka caafimaadka, dhowridda xuquuqda aadanaha, sarreynta sharciga, kobcinta dhaqaalaha, tababbarka suxufiyiinta, la xisaabtanka siaasiyiinta iyo ganacsatada, xakameynta laaluushka iyo musuqmaasuqa, horumarinta fanka iyo Sportiga intuba waxaa ay qeyb ka yihiin sugidda amniga iyo ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida.

Arrin ay tahay in degdeg wax looga qabto ma ahan in loo baajiyo waxyaabaha muhiimka ah ee iyaguna wax ka qabashada u baahan.

Posted by

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON