Monday, July 14, 2025

Aqalka Sare oo markii ugu horeysay ka qeyb galay Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2020-ka [Sidee ku dhacday?]

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalinta ugu danbeysa sanadka wadajir u ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020-ka, iyadoo Aqalka Sare uu ka qeyb galay markii ugu horeysay ansixinta Miisaaniyadda Dowladda.

Arrintan ayaa ka danbeysay heshiis dhex maray guddoonka labada Aqal oo aanu qeyb ka ahayn Madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo ku saabsanaa wadashaqeyn sanadka ugu danbeeya ee xilka dowladda Federaalka, waxaana Aqalka sare la baal mariyey ansixinta miisaaniyadihii hore ee 2017, 2018 iyo 2019. [Akhriso]

188 isugu jira xildhibaanno iyo senatooro ayaa meel mariyey ansixinta miisaaniyadda Sanadka 2020, waxaana diiday hal xildhibaan, iyadoo ay ka aamuseen laba kale. Miisaaniyadda ayaa ka timid Wasaaradda Maaliyadda, kadib markii ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Ansixinta miisaaniyaddaan ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa  maalintii ugu danbaysay sanadka 2019, si sanadka  2020 oo berri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub.

Ansixinta Miisaaniyadda ayaa noqon doonta tii u horeysay oo ay wadajir u ansixiyaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo la xusuusta in horay ay Miisaaniyadda ay ansixin jireen oo kaliya Golaha Shacabka.

Miisaaniyadda sanadka 2020 ayaa gaareysa $459.5 Milyan, iyadoo aanay xukuumaddu weli xisaabxir ku sameyn miisaaniyadda 2019 ee hadda dhamaaday oo ku noqosho lagu sameeyay.

Image may contain: 10 people, people smiling
Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor
Image may contain: 2 people, people sitting and indoor
Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor
Image may contain: 13 people, people smiling, people sitting, table and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON