Sunday, July 13, 2025

Arday badan oo ku dhimatay Dab qabsaday Dugsi Quraan ay ku jireen [Sawirro]

Ugu yaraan 25 ruux oo arday iyo macalimiin ay ka mid yihiin ayaa ku dhintay dab ka kacay madariso islaami ah oo lagu hoydo oo ku taalla caasimmada Maalaysia ee Kuala Lumper.

Dabka oo ka kacay xarun lagu barto laguna xifdiyo Qur’aanka kariimka oo lagu magacaabo Ittifaqiyah ayaa kacay aroortii hore ee saakay.

Tirada dhimashada ee la xaqiijiyay ayaa ah 23 arday iyo laba waardiye, Khirudin Drahman, oo ah agaasimaha waaxda dab damiska iyo samatabixinta ayaa u sheegay sidaasi wakaalaada wararka ee AFP.

Waaxda dab damiska iyo samatabixinta ayaa sheegtay in gawaarida dab-damiska ay gaareen goobta daqiiqado gudahooda.

7 qof ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhaawacmeen, waxaana lasoo samatabixiyay 11 qof oo kale.

 

Waxaa la baarayaa sababta dhalisay inuu dab ka kaco iskuulkan. Ardaydaan ayaanan da’dooda wali la shaacinin

Ardayda ayaa waxka barta xarumaha noocaan oo kale oo loo yaqaano iskuulada barashada Qur’aanka kariimka iyo xifdintiisa.

Gudaha iskuulka oo ay ka muuqdaan sariiro gubtay iyo daaqado burbursan oo ku yaalla qaybta sare ee iskuulka
Taliyaha booliiska Amar Singh ayaa sheegay in ay u badan tahay in dadka dhintay ay ku neef qabatoobeen qiiqa
Taliyaha booliiska Amar Singh ayaa sheegay in ay u badan tahay in dadka dhintay ay ku neef qabatoobeen qiiqa

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON