Monday, June 23, 2025

Arday dhigta Jaamacadda SIMAD oo Warbixin Cajiib ah ka qoray weerarkii Jaamacadda [Akhriso/Daawo]

Arday ka mida ardayda dhigata  jaamacadda SIMAD ayaa qoraal xiiso leh ka qoray wixii maanta ka dhacay Jaamacadda markii dabley hubeysan gudaha u galeen.

Ardaygan oo qoraalkiisa ku soo koobay wixii uu la kulmay ayaa qoraalkiisa u dhigay sida soo socota:

“Shurie walal casharka Physiology ga isoo dir” sida waxaa i tiri gabadh aynu isku fasal nahay. Goortaan taleefanka gacanta kusoo qabtay baa waxaa dhacday xabad aad noogu dhaw. Fasalka aynu ku dhiganno waa dabaqa ugu sareeya qaybta Medicinka qolka u geeseeya ee dhanka wadada xiga, xabaddu aad bay noogu dhawayd. Way siyaaday xabaddii, dhammaanteenna dhulkan wada jiifannay, qaarkeen dusha haba iska fuulaane. Xabaddu aad bay u dhacday, argagax iyo qaylo baa hal mar la isku daray. Tuugo ardayda dhacaysay iyo ilaalada jaamacadda baa is helay, inyar bay xabaddu istaagtay, qaarkeen intaanu kacnay baan daaqada ka eegnay waxa kasocda albaabkahore ee jamacadda. Bas baa taagan, dhalinyaro hubaysan oo aan lahayn astaan ciidan baa ka buuxda baska, qaar baa jamacadda gudaha u galay qaar kalana bannaankay taganyihiin. Kuwii gudaha ku jiray baa bannaanka usoo baxay, baskii bay waxay kala dagayaan qoryo iyo booshash xabado ka buuxan. Alla wadnaha! Intaa goortaan arkay baa hal mar qaylo afka la furtay. “Alla waa lasoo galay” baa hal mar la wada yiri. Wiil ilaaladajamacadda ka mid ah baa dabaqa hoostiisa ordaya, bastoolad buu gacanta ku wataa. Intaa goortaan arkay baan isa sii dayay oo dhankaa iyo albaabka fasalka u cararay, waxaan galay qol naga soo hor jeeda oo arday caafimaadu ku dhigtaan. Wiilal badan baa daqaada qolka taagan oo eegaya dhulka intuu u jiro, qaar kalaa isku aamini la’ fasalka oo wareegaysanaya marna baxaya marna soo galaya. Waan kasoo baxay fasalkii kale kadibna anoo ordaya waxaa i hakiyay Macalin ii dhiga madada Biochemistry oo taagan xafiiska deanka kulliyada, xafiiskaan wada galnay ka bacdi maxaan arki doonnaa aniga iyo macalinku iyo dhawr arday oo kale. Wiilkii bastoolada la ordayay ee ilaalada jaamacadda ka midka ahaa baa lagu hareeraysan yahay. Waa shan wiil o dhalinyaraa, badankoodu bastooladay wataan, midba isku wata bambo iyo bastoolad, hal iyo labo kalana qoryay wataan. Wuxuu mid walba shiishayaa wiilka ilaalada jamacadda ka midka ah. Dhexduu ugu jiraa wayna wada waabinayaan. Hal mar bay kusoo yaxoomeen isuguna tageen mid walbana wax ku dhuftay. Banaankay la aadeen oo gaadhigii badka ahaa saarteen lana tageen. Ciidamo kale oo dawlada ah baa yimid, la isugu wada imaa meshii, ardaydiina fartay wadnaha ku hayaan. Qaar baa barri hore istuuray oo jajabay, kuwa kalana jaran-jarada dabaqa ku daateen haba u badnaadeen gabdhee. Markii dambe xaaladu way dagtay, mooryaantiina tagtay. Alla argagax waynaa. Noloshay sidan ma arag. Allow na amaanso. Ugu danbayn madaxwaynaha jaamacadda baa ardayda la hadlay oo raali galin ka siiyay wixii ka dhacay jaamacadda Simad kuna dhiiri galiyay inaysan quusan oo dhib walba u adkaystaan.

Abdurrahman Shurie Nurie
Medical Student
SIMAD University

simad1simad2simad3

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON