Arday Kenyaan ah oo ka mid ahaa xubno madaxooda la dul dhigay lacag oo ay raadinayeen hay’addaha ammaanka Kenya ayaa isu dhiibay Booliska Dalkaasi.
Ardaygan oo lagu magacaabo Salad Tari Gufu, kana tirsanaa jaamacadda Moi ayaa ka mid ahaa xubno Booliska Kenya faafiyay oo la doondoonayay, wuxuuna sheegay inuu liiskiisa ka arkay xubnaha la baadi gooobayo iyadoo lagu xiray magaalada Nairobi.
Shalay ayay Booliska dalka Kenya faafiyeen sawirada shan nin oo ay sheegeen inay la howlgalaan Al-Shabaab, iyadoo ciddii sheegta abaal marin loogu balanqaaday 2 Miyan ee Shilinka dalka Kenya ah oo u dhiganta $20,000.
Magacyada Shanta nin ayaa kala ah: Abdikadir Mohamed aka Ikrima, Mohammed Tajir Ali, Suleiman Irungu Mwangi Salad Tari Gufu iyo Gufu Tari Gufu.
SAWIRRO