Howshii maamul u sameynta Gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa hakad ku jirta kadib markii si aan la shaacin loo joojiyay shirarkii saxiixayaasha heshiiska uga socotay magaaalada Muqdisho.
Warar xog ogaal aha ayaa sheegaya in dhismaha guddiga farsamada oo marayay heerkii ugu danbeeyay loo joojiyay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay Mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxda labada gobol, wasiirada iyo xildhibaanada saxiixay heshiiska maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa gebi ahaan hakiyay shirarkoodii waxaana dib ugu laabtay degaanadoodii madaxdii labada gobol qaarkood.
Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka oo arintan ku dhex jirtay ayaa dadaalkeedii joojisay maalintii la filayay in lagu dhawaaq guddiga farsamada maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe iyadoo laga baqay inay saameyn ku yeelato Mooshinka Madaxweynaha.
Beelo kala duwan ayaa ka hor yimid qaabka dhismaha guddiga farsamada taasoo hadii ay sii socoto keeni lahayd in beelaha ka carooday guddigaasi ay xildhibaanadooda ku biiraan Mooshinka ka yaalla Madaxweynaha.
Goobjooge.com