Sunday, July 13, 2025

Askar fara badan oo Ciidamada Kenya uga dhintay Diyaarad Milateri oo dhacday

Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in 17 askari ay geeriyoodeen markii diyaarad helicopter ah oo ay la socden ay ku dhacday duleedka magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Askarta ayaa ku jirta tababar ciidan, waxaana sidoo kale diyaaradda dhacday ku dhaawacmay 6 qof oo kale, kuwasoo laga soo bad-baadiyey goobta diyaaradda ay ku dhacday oo ah Ole-Tepesi, oo ka tirsan degmada Kajiado, sida uu sheegay sarkaal u hadlay ciidamada Kenya.

Militariga Kenya ayaa xaqiijiyey in diyaaradda ay dhacday, hase yeeshee ma aysan bixin faah-faahin. Militariga ma jecla inay shaaciyaan warbixinada khasaaraha ee gaara, taasoo lagu yaqaan ciidamada KDF ee Kenya .

Qoraal kooban oo ay soo dhigeen twitter-ka ay militariga ku sheegeen in hadda uu socdo howlgal badbaadin ah.

Sarkaalka boolis ayaa sheegay in 23 askari ay saarnaayeen diyaaradda, markii ay dhacday subaxnimadii Khamiista ee saaka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON