Sunday, July 13, 2025

Askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo dad shacab ah ku laayay degmada Qoryooley

Dad rayid ah ayaa lagu laayay degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/hoose kadib markii gaari ay la socdeen la gubay.

Wararka laga helayo Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in 6 qof oo shacab ah ay dhinteen kadib markii  Baasuule lagu dhuftay baabuur BL ah nooca Homey ah oo ka baxay Qoryooley, kaasoo khudaar u diray Magaalada Baydhaba.

Dadka gaariga saarnaa ee lagu laayay ayaa lagu sheegay dad shacab ganacsato ah oo ka kooban saddex rag iyo saddex dumar ah.

Askar ka tirsan ciidamada AMISOM iyo dowladda ee ku sugan Shabeelaha Hoose ayaa lagu eedeeyay inay falkaasi geysteen, iyadoo aanay ka hadlin ciidamada iyo saraakiisha dowladda ee Sh/hoose.

Xaaladda magaalad Qoryooley ayaa kacsan iyadoo meydadka dadka shacabka ah ee la laayay lagu wado in maanta la aaso.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON