Thursday, July 17, 2025

Askar ka tirsan Ciidamada Puntland oo qarax lala beegsaday

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhaawacantay kadib markii qaraxyo lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay leeyihiin ciidamada maamul goboleedka Puntland xilli ay barqadii maanta socdeen deegaanka Galgala, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Warar aanu ka helnay dadka degaanka ayaa  sheegay in laba qarax ay haleeleen laba baabuur oo ka mid ah kolonyo baabuur ah oo socotay buurta Galgala, waxaana qaraxyadaasi ku dhaawacmay afar askari oo mid ka mid ah dhaawiciisu liiyo.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan. 25-kii bishan ayay ahayd, markii sidoo kale laba ka tirsan ciidamada Punland ay ku dhinteen shan kalena ay ku dhaawcmeen miino la qarxday, xili ay ku socdeen buuralayda Galgala.

VOA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON