Thursday, June 26, 2025

Askar kae oo ka baxsatay dagaalkii Ceelcade oo gaaray Magaalada Nairobi (Sawiro)

16 askari oo Kenyaati kana soo badbaaday weerarkii lagu riiqday ee Alshabaab ku qaadeen xeradii ciidamadaasi ee Ceelcade Gobolka Gedo ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi, kadib markii diyaarad ay geysay garoonka Wilson Airport.

Waxaa askartaasi soo dhoweeyay xoghaya gaashaandhigga dalka Kenya Raychelle Omamo  iyo taliyaha ciidamada Kenya Samson Mwathethe.

“Ciidamdaas oo diif iyo niyadjab weyni ka muuqday ayay wasiirada gaashaandhiga Kenya ku tilmaantay inay yihiin geesiyaal, inkastoo aanay dhaawac jirkooda qabin haddana ay yihiin askar xaalad culus soo maray. marka laga reebo hal askari waxay intooda kale ahaayeen askar xaaladoodu caadi tahay oo qaarkood ay qoryo siteen.

Ms Omamo  waxay sheegtay in ciidamo hor leh loo diray gobolka Gedo si ay baadi goob u sameeyaan una raadiyaan ciidamada ka maqan Kenya, waxayna caddeysay in marka howlgalku soo dhamaado la shaacin doono tirada askarta Kenya ee dagaalkii Ceelcade ku dhimatay.

kdf

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON