Ciidamo ka wada tirsan maamulka Koofur Galbeed oo Baydhabo ku dagaalamay magaaladaasi, iyadoo qasaare dhimasho iyo dhaawac uu dhaliyey.
Ciidamadaan oo kawada tirsan Maamulka Koofur Galbeed waxay wararku sheegayaan in uu iska hor imaadkooda salka ku haye Nabadoon lagu caleemo saari alhaa Magaalada Baydhabo oo ay isku qabteen, taasoo keentay inay is fara saaraan.
Nabadoonka la Caleemo saaraye ayaa lagu bedeli lahaa Nabadoon ku geeriyooday Qaraxii 28-kii Oktoober sanadkii 2017-kii ka dhacay Hoteel Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho. Ciidamada dagaalku dhex maray qeyb ka mida ayaa la sheegay inay ilaalo u ahayd wasiirka Caafimaadka Maamulka Koofur Galbeed.
2 askari ayaa ku dhinay, iyadoo 3 kale ay ku dhaawacmeen iska hor imaadkaas oo Daqiiqo ka socday, waxaana intii ay shaqaaqadu degdeg loo Caleemo saaray Nabadoonkii la isku heystay.