Thursday, June 26, 2025

Askar Mareykank ah oo Qasaare kasoo gaaray Qarixii Janaay-Cabdalla iyo Wararkii ugu danbeeyay…

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax is-miidaamin ah oo Alshabaab ku qaadeen degaanka Janaay Cabdalla ee 60 KM u jirta magaalada Kismaayo oo dhowaan ay ciidamada Jubbaland iyo Kuwa dowladda oo Mareykanku taageerayo ay ka qabsadeen Alshabaab.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaraxa oo loo adeegsaday Gaari weyn uu sababay qasaare soo gaaray ciidamada, waxaana la xaqiijiyey inay ku dhinteen laba askari oo ka tirsan ciidamada Kumaandooska Danab ee Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa xaqiijiyey in askari ka tirsan ciidamada Mareykanka uu dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubbaland. Waxaa jira warar kale oo sheegaya in askar kale ay Mareykanka uga dhaawacmeen qaraxa saaka.

Alshabaab ayaa sheegtay inay qasaare weyn gaarsiiyay ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa degaanka Janaay-Cabdalla ayna qaraxa ku dhinteen 16 Askari ciidamada Bangaraafta iyo 4 sarkaal American ah”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON