Wednesday, June 25, 2025

Askar qaab farsameysan dadka Muqdisho u dhici jiray oo la qabtay

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay afar askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ka howlgala gobolka Banaadir, kuwaas oo dadka ku nool degmada Shibis ee Gobolka Banaadir u geysan jiray falal isugu jira dhac iyo handadaad.

Askartan ayaa saxaafadda loogu soo bandhigay xarunta taliska ciidanka Gobolka Banaadir, waxaa kaloo la soo bandhigay boonooyin ay gaadiidka uga qaadan jireen lacago been abuur ah, iyagoo iska dhigi jiray ciidamo taraafiko ah.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo ayaa sheegay in xabsiga la dhigay askartaan, isla markaana sharciga la marsiin doono.

Askarta dowlada ee Muqdisho ayaa ah kuwo fara badan oo meel waliba yaacaya, qaarkoodna ka tirsan yihiin ciidamada Mileteriga oo jidadka ku qaada lacago kala duwan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON