Tuesday, June 24, 2025

Askari ka tirsan ciidamada AMISOM ee Jabuuti oo toogasho lagu Magaalada Buuloburte

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in mid ka mida ciidamada Jabuuti ee AMISOM lagu dilay magaaladaasi.

Falkan ayaa la sheegay inay geysteen koox hubeysan oo rasaas ku furay askariga oo ku sii jeeday xero ay ciidamada ku leeyihiin magaalada Buuloburte, isagoo la socda kolonyo.

Warar kale ayaa sheegaya n falkan dhacay kadib muran dhex maray askariga iyo askari kale oo ciidamada dowladda ka tirsan oo salka ku haya haweeney Shaah iibisa.

Askariga Jabuutiyaanka ayaa la sheegay inuu u dhintay dhaawac culus oo soo gaaray, ma na jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Jabuuti ee Hiil walaal iyo madaxda Soomaalida.

Ma cadda muranka keenay dilka askariga Jabuuti inuu ka dhashay xaalad hore iyo arrinta haweeneyda Soomaalida ah, waxaase la xaqiijiyay in askariga Jabuutiyaanka uu geeriyooday, askarigii falka geystayna uu baxsaday.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON