Wednesday, June 25, 2025

Askari ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland oo toogasho ku dilay saddex sarkaal

Askari ka tirsanaa ciidanka daraawiishtauntland ayaa maanta toogasho ku dilay saddex sarkaal oo isla ciidanka daraawiishta Puntland ka tirsanaa, isagoo dhaawacay saddex sarkaal oo kale sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Puntland.

Arrintan aan hore loo arag ayaa ka dhacday Buuraleyda Galgala ee Puntland oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kooxda Alshabaab oo dhowaan u wareegtay Daacish.

Askariga dilka geystay  ayaa la sheegay inuu ahaa sarkaal xigeen, wuxuuna rasaasta ku furay xili ciidamadu goob lagu shaaho ku sugnaayeen, inkastoo askariga falka geystay isla goobta lagu toogtay.

Abaaduulaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee aagga Galgala Col. Shire Cumar Cali ayaa VOA-da u sheegay in falkan naxdinta leh uu ka dhacay aagga buuraleyda Galgala, wuxuuna intaa ku daray in askariga dilka geystay uu damcay inuu cararo, balse ciidamadii kale ee aaggaas ku sugnaa ay rasaas ku fureen taasoo keentay inuu isaguna isla goobta ku geeriyoodo.

 

gWaa dhacdadii ugu foosha xumeyd ee qasaare intaas la eg ka dhaco degaanada Puntland, iyadoo aan la shaacin waxa askariga ku kalifay inuu falkaas ku kaco.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON