Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askri ka tirsan ciidamada dowladda uu fal dil ah oo naxdin leh ka geystay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Degmada Wadajir ee magaaladaasi.
Askarigan oo magaciisa lagu sheegay Maslax Ganeey ayaa toogasho ku dilay haweeney ka mid ahayd dadkii kasoo degay garoonka maanta kadib markii uu muran dhex maray, isagoo kadibna baxsaday.
Dilkan oo ahaa mid bareer ah ayaa naxdin ku abuuray dadkii goobta ku sugnaa oo meydka haweeneyda goobta ka qaaday.
Askariga falka geystay oo baxsaday ayaa ka tirsan ciidiamada NISA, waxaana la sheegay in hadda la baadi goobayo.
Goobjooge.com