Asakri ka mid ahaa askarta Kenya ee weerarku ku qabsaday Ceelcade, Gedo, kana badbaaday dagaalka oo shalay ka degay magaalada Nairobi ayaa ka hadlay xog badan iyo sidii uu dagaalku u dhacay.
Joseph Muganda wuxuu sheegay inuu Soomaaliya joogtay laba toddobaad oo kaliya, wuxuuna ka baxsaday xerada isagoo uu la socdo askari kale oo lababa lugood ka dhaawacmay. Qoryahoodii iyo telefoonadii gacanta ayay heysteen oo u badbaaday waxay isku dayeen inay inay telefoonka ka wacaan taliyeyaashooda iyo saaxiibadood oo u bixi waayay, sidoo kale wuxuu askarigan isku dayay inuu qoyskiisa la xiriiro. Waxaa markii danbe laga soo badbaadiyay meel dhowr kiilomitir u jirta xerada Ceelcade, waxayna ka mid ahaayeen afar askari oo dagaalka ka baxsaday afkana saaran xuduudka Kenya.
15 askari oo Kenyaati ah ayaa ku go’doomay duleedka Ceelcade iyo dhulka miyiga ah, waxayna inta badan askartu ka tirsanayeen guutada 9 ee Eldoret oo muddo laba toddobaad ah uun joogay xeradaasi. Ninkan Muganda lagu magacaabo wuxuu qoyskiisa u sheegay sida ay kasoo xigtay jariirada Daily Nation inay arkayeen diyaaradaha dushooda duulaya balse awoodi waayeen inay farriin u dirsadaan.
Meydadka ciidamada Kenya ayuu sheegay inay daadsanayeen xerada iyo agagarkooda laakiin diyaaradaha helikobtarada ay awoodi waayeen inay dhulka degaan si ay u soo qaadaan.
Goobjooge.com