Nin hubeysan oo la sheegay inuu ka mid yahay askarta dowladda, isla markaana ku lebisnaa Dareyska ciidamada ayaa maanta xaalad ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ku dilay labo nin oo shacab ah.
Ragga la dilay ayaa kala ahaa: Cabdi Nuur Sandheere (Cabdi Gedow) iyo Cabdullaahi Cusmaan Shidane , waxaana dilay askari magaciisa lagu sheegay Axmed Cusmaan Geelle, kadib markii uu soo kala dhex galay muran dhul.
Askariga ayaa weerarray labada Marxuum oo Mooto wada saarnaa, iyadoo uu rasaas ooda uga qaaday, kadibna waxaa la sheegay inuu baxsaday.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Degmada Dayniile Cali Cabdi Faarax ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay raadinayaan Nin ku eedeysan dilka labada qof oo ehel ahaa, dilkaasina uu ka dhashay muran dhul oo maalmahanba taagnaa.