Thursday, June 26, 2025

Askarigii ka danbeeyay dilka Taliyaha NISA ee Gobolka Sh/dhexe oo la qabtay

Ciidamada Dowladda ee Magaalada Jowhar ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen askarigii ka danbeeyay dilkii xalay magaaladaasi loogu geystay Taliyihii Nabad Suggida Shabellaha dhexe C/weli Ibraahim.

Ciidamada ayaa saaka ninkan k soo qabteen duleedka Magaalada Jowhar oo uu ku dhuumaleysanaayay. Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Daa’ud Xaaji Cirro ayaa sheegay in dembiilaha gacanta lagu hayo, lana keenay  Magaalada Jowhar.

Afhayeenka ayaa sheegay in  maxkamad la soo taagi doono oo lagu qaadi doono sharciga maxkamada ciidamada Qalabka sida, maadaama uu dilay Taliyihii Nabad Suggida Gobolka Shabellaha Dhexe.

Al Shabaab ayaa isla markiiba sheegatay inay ka dambeysay dilka Taliyihii Nabad Suggida Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana askariga dilka geystay uu hore uga  tirsanaa Alshabaab, iyadoo la filayo inuu weli xiriir la lahaa.

Taliye C/weli Ibraahim Maxamed ayaa 2014-ka loo magacaabay  Taliyaha Ciidanka Nabad Suggida ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON