Wednesday, June 25, 2025

Askarta ilaalada Ra’iisal wasaaraha oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray Madaafiic lagu weeraray Madaxtooyada

Askari ka tirsan ciidamada ilaalada Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa ku dhintay laba kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray laba madfac oo ku dhacday afka hore ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo guri ay degan tahay Xildhibaanad Fowsiya Sheekh oo ku yaala gudaha xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicda ku dhacday madaxtooyada ayaa ka mid ahayd tiro madaafiic ah oo maanta duhurnimadii lagu garaacay Madaxtooyada iyo agagaarkeeda degmada Wardhiigley  ee magaalada Muqdisho, waxaana guud ahaan weerarka madaafiica ku dhintay 8 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen toban kale.

Weerarka ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa weeraro dhowr ah oo madaafiic hoobiyeyaal maalin cad lagu weeraray Madaxtooyada, waxaana weerarka sheegatay kooxda Alshbaab.

Ciidamada ammaanka ayaan wax tallaabo qaadin si loo joojiyo weerarada noocan oo kale ah, laakiin hay’adda nabadsugidda ayaa sheegtay in la qabtay dad looga shakisan yahay weerarka oo aan faahfaahin laga bixin.

Xidhibaan Cabdi Bare Jibril ayaa sheegay inuu dhaawac aad u yar kaso gaaray firirka madaafiicda, balse uu agtiisa ku dhintay askari ka tirsan ilaalada Ra’iisal wasaaraha oo uu sheegay inuu shabaq noqday.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON