Shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen ururada bulshada qaarkood oo ay soo qabanqaabisay Dallada Jilayaasha aan dowliga ahayn ee SOSCENSA ayaa looga dhawaaqay talo soo jeedin qaab doorasho loo geli karo 2016 oo ku saleysan 4.5
Maxamud Maxamed Culusow oo ka mida aqoonyahanada kana yimid Mareykanka oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay ayaa sheegay in Nidaamka 4.5 uu yahay habka ugu haboon doorashada 2016-ka.
Culusow ayaa intaa ku daray in qodobkan ay ku heshiiyeen Bulshada rayidka, Aqoonyaho, dad ka shaqeeyay arimaha Siyaasadda oo ka soo qeyb galay ay gogoshiisa laheyd hay’adda Jilayaasha aan dowliga aheyn ee SOSCENSA.
Dallada SOSCENSA ayaa halkaas ku soo bandhigtay daraasad laga sameeyay Maqaalo 14 ah oo horay loo diyaariyay, qodobo ka mid ah dastuurka KMG ah iyo Baaqii ka soo baxay Madasha Wada tashiga Qaranka.
Talooyin ilaa 13 qodob gaaraya ayaa shirka kasoo baxay sida in ay jirto la xisaabtan si kalsoonida beelaha kor loogu qaado, waxaa kaloo lagu taliyay in hal Xildhibaan ay soo doorato 100-182, Beesha dhexdeeda in ay is habeyso oo cadaalad ka jirto iyo arimo kale.
In doorashada la qaban doono lagu saleeyo qaabkja 4.5 ayaa ah talo soo jeedin aan hore loo arag oo dadka qaarkood ay si weyn uga soo horjeedaan, waxayna ka mid tahay fekradaha la soo jeedinayo ee faraha badan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]