Thursday, June 26, 2025

Axmed Macalin Fiqi oo baaq u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya

Agaasimihii hore ee Hay’ada Nabadsugidda Soomaaliyeed Axmed Macallin Fiqi, isla markaana ahaa musharixiintii ugu danbeeyay ee jagada madaxweyne ee maamulka Galmudug looga adkaaday  ayaa ka hadlay mooshinka madaxweynaha Soomaaliya laga keenay isagoo sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya aanu wax badan ka qaban howshii loo igmaday.

fiqi-2

Axmed Fiqi oo dhowaan noqday Xisbiga Daljir wuxuu sheegay in dhinacyada mooshinnada iska soo horjeeda keenay oo ka wada tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay yihiin kuwa dhaawacaya dalka, loona baahnaa in wax walba sharciga la waafajiyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayuu ugu baaqay inuu  fasaxo mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha, wuxuuna ku taliyay in mooshinka loo gudbiyo maxkamadda sare.

Wuxuu sheegay inaysan xisbiyadooda aqbali doonin waqti kororsi ay sameyso dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh. Taasi haddii ay dhacdo ayuu ka digay inuu dhici doono wax uu ugu yeeray kacdoon shacab.

Axmed Fiqi oo wareysi siiyay idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaan hadalkiisa la maqlin kadib markii looga guuleystay tartankii doorashada madaxweynaha Galmudug. Waxaana hadaladiisu ku soo beegmeen iyadoo mooshinka wadahadal laga furay.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON