Thursday, June 26, 2025

Axmed Madoobe iyo Musharixii Dowladda Federaalka oo ku kulmay magaalada Garowe

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Magaalada Garowe kula kulmay wasiirka Gaadiiska iyo Duulista ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomar oo ahaa musharaxii ay Dowladda Federaalka wadatay Doorashadii khilaafka ka dhashay ee Jubbaland.

Kulankan oo ay sidoo kale ka qeyb galeen xildhibaanno iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Jubbaland ayaa ahaa is arag iyo wada-sheekeysi kooban, waxaana markii ugu horeysay si toos ah isu hor fariistay Axmed Madoobe iyo Musharixii ay waday dowladda Federaalka oo ay dooneysay inuu meesha ka saaro.

Wasiir Oomaar oo kulankaasi kadib qoraal soo dhigay Facebook ayaa ku xaqiijiyay in kulanku ahaa mid caadi ah oo weli uu sidiisii u taagan khilaafkii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay Axmed Madoobe.

“Caawa iyo Martisoor Garoowe waxa hotelka igu so boqday Madaxweynaha ku meel gaadhka ee Jubbaland Ahmed Maxamed islaam. Kala duwanaashaha fikirka siyaasadeed waa halkiisii..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Wasiir Oomaar, iyadoo sawirrada labada nin oo is mar-xabeynaya lagu faafiyey baraha bulshada.

Dagaal siyaasadeed iyo go’doomin la saaray Axmed Madoobe, kadib wuxuu madaxweyne Farmaajo u aqoonsaday Madaxweyne KMG ah, iyadoo uu fashilmay qorshihii Dowladda Federaalka ku dooneysay in Axmed Madoobe looga takhaluso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON