Tuesday, June 24, 2025

Axmed Madoobe oo arrin aan la fileyn la yimid shirka wada-tashiga siyaasadda ee Muqdisho

Wararka laga helayo shirka wadatashiga siyaasadda ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in shirku xaalad adag ku sugan yahay kadib markii ay maamulada Puntland iyo Jubba ay sheegeen inaysan ka qeyb qaadaneynin.

xasan-ahmed

Qaadacaadda Puntland oo hadda waanwaan rajo laga qabo ay socoto ayaa haddana waxaa ku biiray  maamulka Juba ee Axmed Madoobe hogaamiyo oo shirka la yimid qodob cusub oo u gaar ah in loo sameeyo, isagoo doonaya in dowladda Federaalka ay maamulka Jubbaland u aqoonsato maamul buuxa oo ka baxay kumeelgaarnimadii.

Arrintan ayaa la sheegay inuu madaxweyne Xasan Sheekh u caddeeyay wafdiga Jubba ee Axmed Madoobe inuu qaabilsan yahay Baarlamaanka Soomaaliya oo dhammaan maamulada buuxiyay shuruudaha federaalka ansixinaya ee aanay ahayd mid saxiix uga baahan isaga.

Arrintan ayaa keentay in Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ay shirka ka baxaan ayna sheegeen in haddii aan loo aqoonsan maamul buuxa aanay shirka qeyb ka sii ahaan karin. Xubno ka tirsan wafdiga Axmed Madoobe ayaa ku dooday in IGAD ay u aqoonsatay maamul buuxa oo aanay aqoonsi ka rabin dowladda federaalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa hore u caddeeyay inuusan jirin dowlad goboleed sax ah oo aan ka ahayn Puntland oo laf ahaanteeda u baahan is waafajin labada dastuur ee gobolka iyo federaalka.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA JAWAARI EE HORE ARRINTAN UGA HADLAY

[ad name=”HTML-7″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON