Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku dhawaaqay markii ugu horeysay inuu ku dhawaaqayo Golihiisa wasiirada maamulka Jubba kadib markii uu dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa ka sheegay Garoonka Kismaayo inaysan jiri doonin muddo kororsi dambe oo ku saabsan waqtiga magacaabista Golaha wasiirada Jubbaland, wuxuuna caddeeyay inuu ku dhawaaqi doono golaha wasiirrada.
Axmed Madoobe oo in badan 8 bilood ku guul darreystay inuu xukuumad u magacaabo maamulkiisa ayaa hadda rajo ka qaba inuu maalmaha soo socda xubnaha golaha wasiirrada maamulkiisa oo dhameystiran.
Magaalada Kismaayo waxaa ku sugan siyaasiyiin kala duwan oo doonaya inay kamid noqdaan xubnaha golaha wasiirrada Maamulkaasi –waxaana la sheegayaa in hoteellada magaalada ay yihiin kuwa camiran, iyadoo golaha wasiirada oo tiradiiisa la badiyay lagu wado inay kor u dhaafaan 50 xubnood.
Goobjooge.com