Thursday, July 17, 2025

Axmed Madoobe oo magacaabay guddiga la-xaajoodka dowladda Federaalka

Hogaamiyaha maamulka  Jubba Axmed Madoobe ayaa magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo uu sheegay inay dowladda Federaalka la furi doonaan wadahadal ku saabsan sidii loo xalin lahaa khilaafka labada dhinac u dhaxeeya ee ka dhashay markii Baarlamaanka Soomaaliya ay sharci darro ka dhigeen golaha wakiilada Jubba.

Lugadheere

Guddigan oo Axmed Madoobe uu shaaciyay inuu magacaabayo Jimcihii markii uu kasoo laabtay degmada Doolow ayaa waxaa guddoomiye u ah ku xigeenkiisa C/qaadir Xaaji Maxamed (Lugadheere) oo hadda ka mida mas’uuliyiinta sida weyn u taageersan Axmed Madoobe.

 

Wafdiga ka kooban guddigan ayaa la filayaa inay yimaadaan magaalada Muqdisho, waxayna wadahadal la yeelan doonaan xukuumadda Soomaaliya. Tallaabadan ayaa soo baxeysa iyadoo uu gabaabsi yahay xilliga Axmed Madoob, ayna socoto qabanqaabada doorasho muran badan ka taagan yahay oo lagu mudeeyay inay dhacdo 15-ka Aaugust.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON