Wednesday, June 25, 2025

Axmed Madoobe oo socdaalkiisii ugu horeeyay ku tegay Imaaraadka Carabta [Sawirro]

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa socdaalkiisii ugu horeeyay ku gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka imaaraadka Carabta.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu marti u yahay safiirka Imaaradka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Alcuthmani  oo ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha.

Wararka laga helay maamulka Jubba ayaa sheegaya in socdaalka Axmed Madoobe la xiriiro arrimo ku saabsan mashaariic Imaaraadka carabtu ka wado magaalada Kismaayo oo ay ka mid yihiin Dib udhiska Garoonka diyaaradaha Kismaayo, Xarunta tababarka ciidamada Qaran iyo xarumo Waxbarasho.

Imaaraadka Carabta ayaa hore gawaarida gaashaaman ee ciidamada ugu deeqday maamulka Jubbaland, waxaana hadda Imaaraadku heshiisyo kala gaara kula jiraan inta badan maamulada Soomaaliya ka jira, iyadoo dhowaan uu heshiis saldhig milateri ku yeelanayo magaalada Berbera uu la saxiixday Somaliland.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

madoobe-uaemadoobe-uae1

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON