Monday, July 7, 2025

AXMED & MAHAD FAARAX: “Walaalkeen Mo Farah waa caasi iloobay Aabihii & halka uu kasoo jeedo”

Wiilasha la dhashay laacibka reer caalami ee orodyahanka adduunka iyo dalka Ingiriiska Mo Farah oo lagu kala magacaabo Mahad iyo Axmed Faarax

ayaa sheegay in Mo Farah uu iska iloobay ehelkiisii isla markaana uu noqday caasi aan dan ka lahayn dadkiisa.

Wareysi ay siiyeen jariirada The Mirror ee dalka Ingiriiska ayay ku sheegeen labada walaalo ee la dhashay Mo Farah ayay ku sheegeen in  Mo Farah aanu sanado badan aabihiis Mukhtaar Faarax wax xiriir ah la sameynin, isla markaana uu yahay qof  caaq ah oo dadkiisii gooyay.

Wiilashan oo aan ku hooyo ahayn Mo Farah waxay sheegeen inay aad uga xumaadeen qoyska markii uu guursaday haweeney lagu magacaabo Tania, warkaasina ay ka maqleen warbaahinta, aabihiisna uu aad uga baxay inuu wiilkiisii ka qarsado arooskiisa.

Aabaha dhalay Mo Farah waa 53 sano jir, wuxuuna dalka Ingiriiska geeyay wiilasha kala ah Maxamed Faarax oo 8 sano jir ahaa xilligasi Mahad iyo Waxiid  oo Soomaaliya uu kala cararay. Wiil mataane la ah Mo oo lagu magacaabo Xasan ayaa weli ku sugan Soomaaliya.

Mo Farah ayaa la noolaa eedadaas xaafadda Hanworth ee Koonfur Galbeed London, halkaasoo uu aabihii ku dhiiri geliyay ciyaaraha fudud.

Mo-Farah
Arooskii Mo Farah ee haweeeneyda Tania wuxuu ahaa halkii uu qoyskiisa uga tegay, waxaana ka qeyb galay waalidka haweeneydaasi oo qura

 

Mo-Farah1
Mo Farah oo ordaya xilli u ahaa da’ yar

Wiilasha la dhashay Mo Farah waxay sheegeen in markii uu caan noqday walaalkood uu xiriirka u jaray reerka intiisa kale, isla markaana uu iloobay qoyskiisa iyo halka uu ka soo jeedo, taasoo keentay inuu xiriirkii ka jarto aabihii oo aanay xitaa wadahadlin.

Arrintan ay maanta faafisay jariirada Mirror ayaa soo shaac bixineysa xaalada dhabta ah ee uu ku sugan yahay orodyahanka asalkiisu Soomaaliga yahay ee reer Ingiriis Maxamed Faarax (Mo Farah).

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON