Baaderiga ugu sareeya Kaniisada Katooliga Pope Francis ayaa kufay kuna dhacay xaflad weyn oo diini ah
isla markii uu yimid dalka Poland.
Baaderiga ayaa ku hor kufay kumanaan qof oo goobta ku sugnaa iyo malaayiin kale oo telefishanada ka daawaneysay, waxaana caawiyay baaderiyaal kale oo u dhowaa, kuwaasoo garbaha ka galay si ay u kiciyaan Duqa kufay.
Markii ay arrintan ku dhacday wuxuu ku socday inuu khudbad u jeediyo dadka. Pope Francis ayaa u tegay Arbacadii dalka Poland inuu ka qeyb galo xus loo sameynayo sanadguuradii 1050-aad ee Baptism-ka.
Waa 79 sano jir wuxuuna markii dambe awooday inuu cagihiisa isku taago si uu farriintiisa u jeediyo, wuxuuna ka hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid tahay dilkii dalka Faransiiska lagu gowracay Baaderigii 84 sano jirka ahaa ee Jacques Hamel oo kooxda ISIS ay ka dambeysay.
DAAWO SAWIRRO
DAAWO VIDEO
Goobjooge.co