Waxaa nasiib darradii ugu horeysay ay maanta ka soo muuqatay magaalada Muqdisho kadib markii laba dhinac oo Baarlamaanka Soomaaliya kamida ay ku shireen Muqdisho oo si kala gaara ay u soo saareen baaqyo iska soo horjeeda oo ku saabsan mooshinka laga diyaarinayo xukuumadda Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Maxamed iyo hadalkii kasoo yeeray ergeyga gaarka ah ee Q/Midoobay u qaablisan Soomaaliya Nicholas Kay.
Xildhibanno gaaraya 110 xildhibaan oo uu codkooda ku hadlay Xildhibaan Abdi Maxamed Abtidoon ayaa si cad u sheegay inay xaqiiqo tahay laaluushka lagu bixinayo si mooshin looga keeno, isla markaana ay la qabaan welwelkii beesha caalamka ay soo saartay, waxayna ku eedeeyeen inay madaxtooyadu ka dambeyso arrintan oo aan Baarlamaanku aqbalin mooshinka la wado.
Dhinaca kale xildhibaanno ay hormuud u yihiin Cabdi Xoosh Jibriil, iyo Maxamed Abdi Xayir (Maareeye) ayaa kulan ay ku qabsadeen Muqdisho si weyn ugu dhaliilay ergeyga Q/Midoobay ee Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay inuu meel uga dhacay sharaftii Baarlamaanka Soomaaliya, lagana doonayo inuu raali gelin ka bixiyo gefka uu kula kacay xildhibaannada.
Labada mowqif ee kasoo baxaya xildhibaannada Baarlamaanka ayaa si cad u muujinaya xaaladda dhabta ah ee ka taagan Muqdisho iyo sida ay u adkaan doonto in lagu kala baxo khilaafkan ka dhex jira madaxda dowladda ee saameynta weyn ku yeeshay Baarlamaankii la filayay inuu xaliyo.