Thursday, June 26, 2025

Baarlamaanka oo dib ugu celiyay xukuumadda xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa  kulankiisii maanta dib ugu celiyay xukuumadda xubnaha Guddiga Addeegga Garsoorka, iyadoo sheegay inay dalbanayaan in lasoo soo dhameystiro.

Kulanka baarlamaanka ee maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayna goob joog ka ahaayeen ku-xigeenada koowaad iyo labaad ee baarlamaanka ayaa kulankii maanta waxaa soo xaadiray 142 mudane.

Ajandayaasha kulankii maanta oo ay ku jirtay golaha adeega garsoorka ayaa mudanayaashii shirka ka hadlay waxa ay ka soo horjeesteen in ajandahaasi laga hadlo sababo oo ay ku sheegeen in sharciyan aysan dhameystirneyn golaha adeega garsoorka oo laga rabay inay noqdaan 9-xubnood, balse baarlamaanka la horgeeyay oo kaliya shan xubnood.

Dood dheer kadib Guddoomiyaha Baarlamnaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in ajandaha laga saaray Golaha Adeegga garsoorka, isla markaana dib loogu celinayo Xukuumadda Soomaaliya, si ay u soo dhameystirto golaha adeega garsoorka.

Sharciga addeega Garsoorka ayaa ka mid ahaa sharciyadii uu madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbaday in baarlamaanku dedejiyo, taasoo hadda u muuqata inuu culeys hor leh soo wajaha.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON