Wednesday, June 25, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Sharciga Shaqaalaha Ajnabiga

Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ugu danbeym maanta ansixiyay Sharciga Shaqaalaha Ajnabiga kaasoo xilliyadii ugu danbeeyay ay mudanayaasha Baarlamaanku ka doodayeen.

Baarlamaanka-Soomaaliya-

Xildhibaanada ayaa u codeeyay sharcigan inuu meelmar noqdo kana mid noqdo sharciyada ka soo baxay Baarlamaanka, inkastoo fulintiisa dood weyni ka taagan tahay.  Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in mudanayaasha baarlamanku ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen sharciga shaqaalaha ajaanibta ah ee dalka ka howlgala.

Mahad Cabdalla ayaa caddeeyay  in sharciga ay baarlamaanadu ansixiyeen wax weyn ka tari doono la socodka shaqaalaha ajaanibta ah ee soo gala dalka, kana shaqeeya.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamanka Xildhibaan Cawad ayaa hoosta ka xariiqay iney jiraan dad ajaanib ah oo soo gala dalkeena, kuwaasoo qabta shaqooyin an lagu ogeyn, sharciguna sahlayo la socodka shaqooyinka ay dalka ka qabanayaan dadka ajaanibta ah.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON