Tuesday, June 24, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo diiday Xeerka Madaxweynaha ee Heshiiska Doorashada

Xildhibaanad Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga hor yimid xeerka madaxweyne Xasan Sheekh saaka soo saaray ee uu kula wareegay awoodii Baarlamaanka isagoo ansixiyay heshiiskii Madasha Qaran ee qaabka doorashada.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay madaxweynaha Soomaaliya ku riixday go’aan khaldan inuu qaato, wuxuuna caddeeyay in tallaabada madaxweynaha ay tahay sharci darro.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo aad uga careysan xeerka uu soo saaray Xasan Sheekh ayaa kulamo gaara uga bilowday, waxaana jirta xiisad xoog leh iyadoo Baarlamaanka intiisa badan ay diidan yihiin xeerka Madaxweyne.

Waxa laga cabsi qabaa in khilaaf cusub ka dhex bilowdo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo xaalada kala guurka ah ay ku dhamaato herdan siyaasadeed.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON