Thursday, June 26, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo dood ka furay qaabka Doorashada 2016

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan  ka mida kalfadhigooda caadiga ah iyadoo ka dooday qaabka loo jiheynayo siyaasadda dalka ee hiigsiga  sanadka 2016ka.

baarlamaanka

Ugu horeyn kulanka maanta waxaa Xildhibaannada loo akhriyey qoraal uu kasoo baxay xafiiska Hab-dhowrka Golaha Shacabka kaasoo gebi ahaanba lagu joojiyey fasax la siiyo Xildhibaannada mudada ka harsan xiritaanka Kalafadhiga 6-aad ee Baarlamaanka,  iyadoo oo qoraalkaasi xildhibaanada ka hor akhriyey Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Xildhibaannada Baarlamaanku ayaa sidoo kale dhageystay  warbixin uu guddi hoosaadka Baarlamaanka u qaabilsan kasoo tala bixinta siyaasadda ugu haboon ee loo jiheynayo geedi socodka 2016ka kasoo diyaariyey shirkii Madaxda Soomaaliya iyo beesha caalamka ee 29-30kii July lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana warbixintaasi Xildhibaannada ka hor akhriyey Xildibaan C/risaaq Cusmaan Jurille.

Xildhibaannada waxay warbixintaasi kadib bilaabeen inay ka doodaan siyaasadda ugu haboon ee loo jiheyn karo geeddi socodka 2016ka, qaarkood waxay Xildhibaanadu sheegeen inay lagama maarmaan  tahay in la helo wadatashi ballaaran oo la xiriira nooca doorashada dalka ka dhaceysa marka la gaaro sanadka 2016-ka.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Jeylaani Nuur Iikar oo shirka Guddoominayey ayaa gebagebadii kulanka Xildhibaannada ku wargeliyey in  Sabtiga la geli doono akhirnta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta Qaranka,

Kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu dhowaan soo xirmo haddii aanay dhicin in la kordhiyo, iyadoo ay hor yaallaan sharciyo fara badan oo kala duwan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON