Monday, June 23, 2025

Ban Ki-moon oo magacaabay ku-xigeenka cusub ee Ergayga Q/Midoobey ee Soomaaliya

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki-Moon ayaa magacaabay  ku xigeen uu yeelanayo wakiilkiisa arrimaha Soomaaliya isagoo u magacaabay Peter de Clercq inuu noqdo  ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ahna xiriiriyaha barnaamijyada Bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay ka wado Soomaaliya iyo Barnaamijka Horumarinta ee UNDP.

Peter De Clercq , U.N. Resident and Humanitarian Coordinator in Sudan, speaks during a news conference in Khartoum December 13, 2011.  REUTERS/Mohamed Nureldin Abdallah
Peter De Clercq , U.N. Resident and Humanitarian Coordinator in Sudan, speaks during a news conference in Khartoum December 13, 2011. REUTERS/Mohamed Nureldin Abdallah

Mr. Clercq waa nin u dhashay dalka Holland wuxuuna  bedalaya ninkii mudada dheer xilkaasi hayay ee  Philippe Lazzarini  una dhashay dalka Switzerland oo dhowaan xilkiisii idlaaday.

Ban Ki-moon ayaa u mahad celiyey Philippe Lazzarini shaqadii uu ka soo qabtay Soomaaliya mudadii dheereyd ee uu xilkaasi hayay. Ninkan cusub ayaa la sheegay inuu leeyahay khibrad dheer, waxaana uu muddo ka soo shaqeeyay hay’adda UNHCR ee dalka Suudaan.

Ad

Xafiiska UNSOM ee xaruntiisu tahay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa ah halka ay hoos yimaadaan howlaha Qaramada Midoobay ka wado guud ahaan Soomaaliya.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

- Advertisement -

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON