Thursday, June 26, 2025

Banaanbax looga horjeedo qaabka doorashada 2016 oo ka socda Magaalada Muqdisho

Dibadbax balaaran oo ku saabsan xuquuqda bulshada degan caasimadda  ku leeyihiin dowladda cusub ee sanadkan iyo aqalka sare ee Baarlamaanka  ayaa ka socda magaalada Muqdisho, waxaana dadka isu soo baxay ay sitaan boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo lagu dalbadanayo maqaabka ay caasimadda Soomaaliya yeelaneyso.

Dadweynaha bannaan baxaya ayaa isugu soo baxay taalada Sayidka, ee ka soo horjeedda xarunta golaha shacabka, waxaana ay sitaan boorar ay ku qoran yihiin “Waa in la helaa xuquuqda Muqdisho” iyo kuwa kale.

Meelo kale oo ka mida degmooyinka Muqdisho ayay ka socdaan bannaanbaxyo ay dadka Muqdisho uhga hor jeedaan go’aankii dowladda ee Aqalka sare looga reebay gobolka Banaadir inuu xubno ku yeesho, iyadoo banaanbaxyadu yihiin kuwo ka dhacaya inta badan degmooyinka Muqdisho.

Dibad baxa oo weli socda ayaa dadku ku dalbanayaan in xuquuqda Muqdisho ay hesho iyado marti gelineysa dowladda Federaalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON