Thursday, June 26, 2025

BANDHIG: Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo la dalacsiiyay [DAAWO]

Munaasabad darajooyin ciidan loogu xirayay Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa lagu qabtey dugsiga tababbarka ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay saraakiisha sare ee ciidamada qalabka sida.

Madaxa Hogaanka ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Guuto  Cabdullaahi  Ahmed Ceynte ayaa goobta ka Akhriyay Digreetadii dhawaan uu ku dalacsiiyay guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo kan darajada koowaad ciidamada.

“Xeer number 34 soo baxay taariikhda  4tii bisha 5aad  u jeedadeedu tahay dalacsiin  abaal marin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya  markuu arkey  qodobka 87  farqadda koowaad,  xarafkiisu (A)  iyo farqada labaad ee Dastuurka  kumeel gaarka ah  Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya markuu arkey  qodobka 90 xarafka (B)  ee Dastuurka  ku meel gaarka ah  Jamhuuriyadda federeelka Soomaaliya  laga bilaabo markuu Madaxweynaha saxiixo  xeerkan  waxaa saraakiisha hoos magacooda ku qoran loo dalacsiiyay  sida tan Gaashaale sare Liibaan Ali Yarow waxaa loo dalacsiiyay  Darajada Sareeyo Guuto, Gaashaale Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute waxaa loo dalacsiiyay Darajada Gaashaale Sare’’’ayuu yiri Jeneraal Ceynte.

Sidoo kale waxaa Warbaahinta la hadley markii loo Xirey darajooyinka Ciidanka S/Guuto Libaan Cali Yarrow iyo Gaashaale Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howsha adag ay u hayaan dalka waxa ay na balan qaadeen in dalkooda ay ugu shaqeyn doonaan si daacad nimo ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud  ayaa ka codsatey Saraakiilsha sare ee  Maxakamada ciidamada qalabka  sida  uu dhawaan dalacsiiyay Madaxweynaha Jamuuriyadda Fadareelka Soomaaliya ee maanta loo xirey darajooyinka ay mutesteen, waxa uuna ka codsadey in dadaalkooda ay  halkooda kasii wadaan.

“Waxaa sharaf gaar ah inoo ah anigoo ku hadlaya magaca ciidanka Booliska Soomaaliyeed in aan maanta darajooyinka ciidan aan ugu xirno dugsiga Jeneraal Kaahiye Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidanka iyo Guddoomiyaha Maxkamada darajada Koowaad ciidamada qalabka sida uu dhawaan Madaxweynaha Jamuuriyada Fadareelka Soomaaliya uu dalacsiiyay, waxaana ka codsanayaa in ay halkooda ka sii wadaan howsha adag ay u hayaan bulshada iyo Qaranka”

Dhawaan ayay ehayd markii digreeto ka soo baxdey xafiiska Madaxweynaha Jamuuriyada Fadareelka Soomaaliya Ahna Taliyaha Guud ee ciidamada qalabka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud lagu dalacsiiyay saraakiisha sare ee Maxkamada ciidamada qalabka sida.

DAAWO SAWIRRO

BH0A2039BH0A2046BH0A2051BH0A2069BH0A2082BH0A2092BH0A2097BH0A2101BH0A2112BH0A2131 BH0A2144 BH0A2146 BH0A2148 BH0A2151BH0A2157

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON