Monday, June 23, 2025

BANDHIGGA Meydadka Alshabaab guul miyay u aragtaa dowladda Federaalka…?

Waxaa caado u noqotay hay;adaha amniga dowlada Federaalka Soomaaliya inay howshooda ku soo koobanto KA DABA-TAG, waxaana marar badan la qiray in kooxda dagaalku kala dhaxeeyo ee Alshabaab ay ka sirdoon badan tahay dowladda oo mararka qaarkood ay dad ku leedahay saraakiisha dowladda iyo xafiisyada muhiimka ah, sidaasoo ay tahayna tabarta dowladda iyo sida ay awoodeeda u adeegsato dood weyn ayaa ka taagan.

Ciidamada ugu tayo wanaagsan dowladda waa kuwa nabadsugidda ee Mareykanku tababaray, mushaarkana siiyo, taasi wuxuu micnaheedu yahay in ka sokow AMISOM oo dunida biisho, xitaa ciidankeenii Soomaalida ayaa Mareykan hoos tago, laakiin qormadan kooban kaliya waxay diirada saareysaa dhaqan caado u noqday dowladeena oo ah in markasta oo weerar halis ahi dhaco, qasaare baaxad lehna laga dhaxlo ay soo bandhigaan meydadka raggii weeraradaas fuliyay oo sawiradooda laga dhigto guul weyn oo ay dowladu gaartay, saxaafadeenuna ku baahinta meydadkaasi ku tartanto.

Guul-amni

Meydad naftooda huray oo wixii loogu talogalay ee loo soo diray fuliyay macne uma sameyn karto dowlad looga fadhiyay inay dhalinyaradaas markii hore ka badbaadiso kooxaha adeegsaday, haddii taasi  dhici weydayna ay khatartooda ka qabato umadda intii ay bar tilmaameedkooda soo gaarin, hadii ay taasi ku fashilatayna.. diin ahaan iyo damiir ahaanba wixii meyd laga raadiyo oo guul ah waxay noqoneysaa axmaqnimo.

Saxaafad ahaan meydad qaarkood jirkooda go’go’ay in la bandhigo waa mamnuuc, inta badan warbaahinta mihnada taqaana waxay isku daydaa inaysan faafin ama ay qaabkooda dooriso markii loo baahdo, laakiin sida dowladeena ayay saxaafaduna u qaadatay arrintan, waxaana la yaab leh inay yar tahay saxaafad arrintan ka badbaaday ileyn dowladii ayaaba meydka dushiisa shirar jaraa’id ku qabaneysa..!!

Goobjooge.com

Muqdisho

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON