Friday, June 27, 2025

Bandow 24-ka Saac ah oo lagu soo rogay xaafadda Islii ee Nairobi & xildhibaan ka hor yimid

Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa bandow 24-ka saac ah kusoo rogtay xaafadda Soomaalidu u badan tahay ee Islii, magaalada Nairobi.

Amarka Bandowga ayaa yimid markii 29 qof laga helay cudurka Covid-19, xaafadaasi, waxaana Islii ay noqotay mid go’doon ah oo habeen iyo maalin aan la socon karin.

Arrintan waxaa ka hor yimid Xildhibaanka degmada ay hoos tagto xaafadda Islii ee Yuusuf Xasan oo sheegay in Islii ay yimaadaan dad ka badan 100-kun oo qof oo Kenyaan ah, dadka la baarayna ay Nairobi oo dhan ka kala yimaadeen.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa sheegay in Islii si gaara loo beegsanayo oo aysan jirin wax ay uga duwan tahay Nairobi iyo Kenya inteeda kale.

Wasiirka Caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa ku dhawaaqay bandowga guud ee la saaray xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi iyo magaalada Qadiimka ah ee Mombasa oo loo aqoonsaday laba meelood oo oo cudurka si wen uga jiro

Bandowga ayaa bilowday caawa 7-di Fiidnimo wuxuuna socon doonaa 15 maalmood, iyadoo wax gelaya ama ka baxaya aanay jirin, laakiin gudaha dadka ku jira ay isu socon karaan si kooban.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON