Monday, July 14, 2025

Bankiga Dhexe oo digniin kasoo saaray lacag suuqa soo gashay (Ganacsato buuxisay kaalintii Bankiga)

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali  ayaa Shir jaraa’id oo uu maanta Magaalada Muqdisho ku qabtay wuxuu uga hadlay Lacago Been abuur ah oo la sheegay inay mudooyinkan soo galeen  Magaalada Muqdisho. Wuxuuna intaas ku daray in lacagahaasi ay dhibaato weyn ku hayaan Ganacsatada.

Isagoo Saxaafadda kula hadlay Xarunta Bankiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho ayuu caddeeyay in Suuqyada Magaalada Muqdisho ay soo gashay Lacag been abuur ah,taas oo Sicir barar ku keentay Suuqyada islamarkaana sameeysay Sarifka Lacagaha. Lacagtaasi ayuu sheegay inay lacagtaasi ka timid Bariga dalka oo uu ula jeeday Puntland, laakiin wuxuu sii raaciyay inuusan hubin.

Bashiir_Ciise_Cali
Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali

[ad name=”HTML-1″]

Dowladda ayuu sheegay inay la kaashan doonto Booliska iyo ciidamada dalka iyo waliba hay’adda Booliska Adduunka ee Interpol si looga hortago.

Bishan gudaheeda ayaa Muqdisho lagu arkay lacag cusub oo nooca 1000 Sh/So ah taasoo ku dhex jirta lacagtii caadiga ahayd iyadoo Shilin Soomaaliga hadda shaqeeya ay ka nooshahay lacagta Kun-ka shilin ah oo kaliya. Ganacsato ayaa la sheegay inay soo daabaceen lacagtan cusub kadib markii ay arkeen baahida ka jirta suuqa, iyadoo la ogyahay in lacagihii hore loo isticmaalayay ay sii yaraayaan.

Lacagta-cusub_wakaalada

Daabacadda lacagta Soomaaliga ayaa ah shaqo uu leeyahay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, oo u muuqda inuu kasoo bixi waayay waajibaadkiisii, haddana ku eg yahay qeylo dhaan ah inuu sharci darro ku tilmaamo lacagaha cusub ee dalka soo galay, isagoo aa wax bedel ah u heynin umadda.

Goobjooge.com

 

[ad name=”HTML”]

 

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON